05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

isla markaasna ay raqiis tahay sida loo abaabulo,

waxayna muujiyaan heerka uu gaarsiisan yahay

walaaca dadweynahu, waana waddo fudud oo

dadweynahu ku muujinayaan taageeradooda.

Warbaahinta ayaa badanaaba fure u ah inuu

ololehu guuleysto. Mid ka mid ah tallaabooyinka

ugu horreeya oo aad warbaahinta isku bareyso ayaa

ah adigoo u dira e-mail ama warsaxaafadeed aad

ugu sheegeyso dhacdo ama tallaabo la qaadayo

iyo meesha ay ka dhaceyso. Waxaad siisaa cinwaan

xiiso leh, adigoo leh muuqaal, isla markaasna

sameynaya dhacdooyin soo jiidanaya warbaahinta,

una tababbaraya dad gaar ah sida loola hadlo

warbaahinta, yeelana afhayeen qaabilsan ololeha

warbaahinta si looga hortago dad kala duwan

oo bixiya fikrado kala duwan taasoo carqaladeyn

karta ololeha. Qaab kale oo loo adeegsan karo

warbaahinta ayaa ah ayadoo la sameeyo safar

lagu kala bixinayo degaano kala duwan, halkaasoo

laga soo jeedinayo khudbado arrinta ku saabsan.

Waxaa tusaale ahaan ku jiri kara khudbado ey

jeedinayaan dad ka badbaaday xadgudub loo

geystay xuquuqdooda aadanaha ama difaaceyaal

xuquuqda aadanaha oo soo bandhigaya waayoaragnimadooda

iyo caqabadaha jira. Badanaaba

khudbooyinka safarada lagu soo jeedinayo

ayaa yool ka dhigta dhageysteyaal gaar ah, sida

garyaqaannada, xeer-dajiyeyaasha ama ardada

jaamacadaha. Waxay tani soo jiidataa dareenka

warbaahinta taasoo micnaheedu yahay in farriintu

ey gaareyso dad aad u ballaaran. Marka qalabkaan

loo adeegsanayo ololeha, waxaa loo baahanyahay in

la tixgaliyo arrimo badan oo ay ka mid yihiin nooca

uu yahay dadka aad yoolka ka dhiganeyso, sida

farriinta loogu dhawaaqayo iyo sida ey u shaqeeyaan

xaafiisyada warbaahinta kala duwan. Tusaale ahaan

waxaa jiri kara xaruumo raadiye oo u janjeera

dhinaca dhallinyarada taasoo keeneysa inuu gaaro

dhageystayaal dhillinyaro ah. Taas micnaheedu

waxuu yahay in haddii aad adeegsato radiyehaas

ey kooxda yoolka kuu ahi tahay dhallinyaro. Waxaa

kale oo loo baahanyahay inaad baadigoobto irdaha

laga geli karo warbaahinta ey dadka yoolka kuu ahi

la socdaan, dabadeedna aad hesho sida lagula xiriiri

karo wariyeyaasha ku habboon.

Dhacddooyinka fagaareyaasha sida

banaaanbaxyada, mudaaharaadayada iyo

muxaadarooyinka ayaa ah farsamo wax-ku-ool ah,

gaar ahaan marka la kicinayo dadweynaha lana

soo jiidanayo dareenka warbaahinta; hase yeeshee

waxaa loo baahanyahay in xayeysiin badan la

sameeyo si dadweynaha loo ogeysiiyo loona helo ka

soo qeybgalkooda.

Taageerada dad can ah in la helo ayaa ayaduna ah

farsamo wax-ku-ool ah oo lagu ololeeyo ayadoo

qof caan ah loo adeegsanayo inuu gacan-ka-geysto

saameynta ra’yiga dadweynaha asagoo u yeelaya

sumcad iyo qiimo arrinta loo ololeynaayo.

Ololeynta internetka lagu sameeyo ayaa sanadahaan

dambe si aad ah u xoogeysaneysa ayadoo noqotay

qaab lagula wadaago dad faro badan wararka

iyo farriimaha ololeha. Bogagga internetka ee

cabashooyinka qoraalka ah lagu gudbiyo oo ey ka

mid yihiin Avaaz ayaa la adeegsaday si loo abaabulo

taageero ballaaran oo loo hayo ololeyaal gaar ah

iyo in la siiyo taageerayaasha awood ey ku qaadan

tallaabo dhaqso leh, taasoo keentay natiijooyin la

taaban karo.

Ma noqonayo qoraalkaan mid dhammeystiran

haddii aan laga hadlin warbaahinta bulshada oo ka

mid ah qalabka ugu cusub ee lagu ololeeyo ee la heli

karo, taas oo u horumareysa si dhaqsiyo badan. Si

aad u hesho dood qoto dheer, eeg dhextaalka ka

hadlaya warbaahinta bulshada (Cutubka 4.5) oo ku

qoran dhammaadka cutubkaan.

Ayadoo xannibaadyadii heystay warbaahinta horay

u jiri-jirtay badankoodu eysan saameyn ku laheyn

ayaa warbaahinta bulshadu gaari kartaa dad aan

ku xirneyn hal degaan. Waxey kaloo warbaahinta

bulshadu fursad siin kartaa bandhigga warar eysan

warbaahinta horay u jiri-jirtay ka hadasheen haddii

ey ula muuqato xaafiisyada warbaahintaas kuwa

aan u qalmin in la tabiyo. Waxey bixisaa fursad lagu

sheegayo sheekada oo dhammeystiran iyo fursad

kale oo qofka adeegsanayaa uu ku soo gudbiyo

markiisa sida ey la tahay iyo xataa inuu wadahadal

la galo dad kale ayadoo faallooyiin goobtaas

la dhigayo. Dabeecadda degdegsiimada leh oo

warbaahinta bulshadu ku fiddo, maadaama eysan

xannibeynin waqtiyada daabacaadda loo dajiyay iyo

waqtiyada tabinta warka loo qoondeeyay, ayaa ka

dhigeysa mid ka mid ah qalabka ugu wanaagsan oo

la isku dhaafsan karo wararka ku saabsan xaalado si

dhaqso leh isku baddalaya. Tusaale dhawaanahaan

dhacay oo farsamadaan si wax-ku-ool ah loo

adeegsaday ayaa aheyd muddadii uu socday

kacdoonkii dhawaan ka dhacay Waqooyiga Afrika

iyo Bariga Dhexe. Wararka ayaa lagu soo bandhigay

fidiyow, tweets iyo Facebook si dunida loogu sheego

waxa ka socday waddamadaan.

Marka la adeegsanayo internetka ama qaab kale ee

warbaahinta bulshada, waa in la tixgaliyo amniga

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

33

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!