05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

keeneen waxey yeesheen saameyn raagtay.

Aamminaadahaan ayaa si ballaaran loo heystaa, si

adagna looga difaacaa dadka degaanka dhexdooda

iyo bulsho weyntaba, warbaahinta iyo/ama madaxda

sare, taasoo gabi ahaanba cuuryaamineysa in

shaqsiyaadku isticmaalaan xuquuqda ey u leeyihiin

sinnaanta iyo inaan la takoorin.

Caqabadaha horyaalla shaqsiyaadka LGBTI oo ku

saleysan jihadood galmood iyo aqoonsiga jinsiga

ayaa waxaa ka mid ah:

Takoorid lagu sameeyo marka ey donaan iney

helaan shaqo qoris, xannaano caafimaad, xog

iyo amni;

Jirdil, xarig aan qaanuunka waafaqsaneyn,

karaamo-beel ayadoo lagu tacaddinayo xaqa

uu qofku u leeyahay xorriyada iyo in si baniaadannimo

ku jirto loola dhaqmo;

Weerar ey dowladdu raalli ka tahay oo

ey geystaan xubnaha qoyska, qaraabada,

“saaxiibada”, loo-shaqeeyayaalka, iyo dadka

xabsiyada kula jira. Haweenka isku galmooda iyo

dadka rag iyo dumarba u galmooda ayaa waxey

la kulmaan kufsi aad u badan oo ey u geystaan

ragga haweenka u galmooda (heterosexual).

Ragga isku galmooda ayaa badanaaba waxaa

xabsiyada ku kufsada ragga haweenka u

galmooda;

Diidmo la xirirta xaqa loo leeyahay caddaalad iyo

magdhow;

Cagajugleyn ayadoo loogu hanjabayo in

shaaca laga qaadayo galmoodka uu qofku

u jiheysanyahay haddii uusan bixin lacag,

hanti kale iyo/ama in loo galmoodo, taasoo

kor u qaadeysa nugeylnimadooda xagga

caaddifadeed, xag dhaqaale iyo xag jireed;

Aflagaado iyo sumcad-dilid.

Waxaa dhowr dal oo ku yaal Bariga iyo Geeska

Afrika ka jira qawaaniin la dhaqangaliyo oo dambi

ka dhigaya galmoodka dadka isku jinsiga ah.

Shaqsiyaadka LGBTI ayaa la kulma qashqashaad iyo

xabsi ey sida badan la socdaan in loola dhaqmo si

karaamo-beel ah, jirdil, iyo aflagaadeyn. Badanaaba,

waxaa si baahsan u jirta la-xisaabtanla’aan ey

wehliso qawaaniin takoor oo loo adeegsado

marmarsiiyo si shaqsiyaadka LGBTI loogu diido

ilaalinta loo simanyahay oo qaanuunku farayo. Kutakrifalka

awoodda oo ey sameeyaan hey’adaha

dowladda sida booliska oo ey ku waxyeelayaan

ragga isku galmooda ayaa la banneystay ayadoo la

tixraacayo qawaaniinta mamnuucaya falalka isku

galmoodka dadka isku jinsiga ah ayadoo sidoo kale

lagu soo jeedinayo ra’yiga dadweynaha waxa loo

nisbeeyay in ey yihiin damiir-xumida falalkaas.

Shaqsiyaadkaan ayaa sidoo kale badanaaba

la kulma weerar iyo xadgudub loo geysanayo

xuquuqdooda sida jirdil, kufsi, xabsi, qashqashaad,

aflagaado ku saleysan jihadadooda galmood/

aqoonsi oo kaliya. Xuquuqda asaasiga ah ee ku

xusan Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha

iyo dastuurada dalalka ayaa loo diiday kuwa la

ogyahay ama loo nisbeeyo in ey u galmoodaan

jinsigooda ama jinsi-gudubka ah. “Shaqaaqada

ka dhanka ah haweenka isku galmooda, ragga

isku galmooda, kuwa labada jinsiba u galmooda,

iyo dadka jinsi-gudubka ah ayaa badanaaba la

sheegin, la diiwaangalin, ugu damambeyntiina aan

la marin ciqaab. [...] Aamusnaantaan yaqyaqsiga

leh ayaa waxey tahay diidmada ugu dambeysa

ee mabaad’iida asaasiga ah ee caalamnimada

xuquuqda. [...] Ka horistaggidda shaqsiyaadka

LGBTI helitaanka ilaalintaan ayaa si cad u jabineysa

qaanuunka xuquuqda aadanaha ee dowliga ah

iyo halbeegyada guud ee aadaminnimada oo

dhammaanteen na qeexaya”, ayey tiri Wakiilka Sare

ee QM u qaabbilsan Xuquuqda Aadanha, Louise

Arbour. 40

Natiijada ayaa noqotay in nolosha dhudhuumashada

ku jirta ey ahaato caqabad shaqsiyaad

badan oo LGBTI ka tirsan ey la-tacaalaan si ey uga

hortagaan qashqashaad iyo xabsi. Tan ayaa isla

markiiba wiiqeysa awoodda ey ku raadsanayaan

waxbarasho, shaqo la hubo iyo helitaanka daryeel

caafimaad. Tan ayaa ka dhigeysa kuwo niyad

ahaan, bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaanba u sii

nuglaanaya. Dhowr cilmi-baaris ayaa aqoonsaday

in dadka u galmooda jinsigooda laga horjoogsado

barnaamijyada HIV/AIDS, sida baraarujinta, latalinta,

waxbarashada galmoodka ammaanka ah, iyo

daaweynta. Natiijada ayaa noqotay in kooxdaan ey

wali ku jiraan khatar heerkeedu sarreeyo. 41

Sanadkii 2006, ayaa wargeyska ka soo baxa Uganda

ee lagu magacaabo The Red Paper daabacay

liiska magacyada, goobaha ey ka shaqeeyaan

iyo meelaha ey deggenyihiin dadka lagu sheeo

40 Khudbad Xaafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u

qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, Marwo Louise Arbour ey ka

jeedisay International Conference on LGBT (Lesbian, Gays,

Bisexual and Transgender) Human Rights; Montreal, 26 July

2006.

41 Tusaale ahaan: International Gay and Lesbian Human Rights

Commission (2007) Off the Map. How HIV/AIDS Programming

is Failing Same-Sex Practicing People in Africa. http://

www.iglhrc.org/files/iglhrc/otm/Off%20The%20Map.pdf

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

45

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!