05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

xuquuqda aadanaha ee soo jireenka ah oo ka dhex

shaqeeya xaaalado ey ka jiraan iska-horimaadyo

furan. Markaan la yeelanay wadahadallo difaacayaal

kala duwan oo ka shaqeeya xuquuqda Jihada

galmoodka iyo aqoonsiga jinsiga (SOGI) ayaa

waxaa noo caddaaday inaan u baahannahay

inaan ballaarino waxaan diiradda saareyno iyo

shaqadeennaba si aan ugu darno waxyaabaha

gaarka u ah oo soo wajaha qeybtaan ka tirsan

beesha difaacayaasha xuquuqda aadanaha. Waxaan

muddo dhowr bilood ah wadnay doodo badan oo

aan la yeelanay difaacayaal kala duwan oo isugu

jira kuwa la yaqaan iyo kuwa “aan la aqoon” kuna

saabsaneyd qaabka ey arrintani yeelaneyso. PI

ayaa ku howlgashay faallooyin iyo dhaliilo laga soo

jeediyay buugteedii hore ee loogu talo galay ilaalinta

difaacayaasha, waxeyna billowday in ey eegto

sidey wax uga qaban laheyd baahida loo qabo in la

timaamo waxyaabaha gaarka ah. Ayadoo u mareysa

shaqadii ey la qabatay difaacayaasha LGBTI ee Nepal

eyna ku raaceen difaacayaasha kale ee ku kala

nool dunida daafaheeda ayaa waxey PI billowday

in ey tilmaanto arrimaha la wadaago oo saameeya

beesheenna iyo kuwa difaaca. Cilmi-baaris ballaaran

ayaa la qaaday ayadoo lala tashaday ilo asaasi ah

iyo kuwa dheeraad ah, waxeyna PI billowday in ey

waafajiso nidaamkii loogu talogalay difaacayaasha la

yaqaan arrintaan.

Buugga ayaa ka dhashay gacan-ka-geysashada

dad badan oo ka baxsan waaxda cilmi-baarista iyo

tababbarada ee PI. Waxaa loogu talogalay inuu

noqdo mid la hirgalin karo, soo jeedinaya su’aalo,

dhalinaya doodo ka dhaca ururada dhexdooda iyo

waliba dalladeenna guud dhexdeeda. Waa maxay

micnaha in ey ku jiraan ereyo la soo koobay oo

marba marka dambeysa sii badanaya ayadoo aan

la qaadaneyn doodaheenna iyo ajendooyinkeenna

balse la qaadanayo tallaabooyinkeenna amniga

si loo xaqiijiyo in ey dalladu si dhab ah u qabato

shaqadeeda ilaalinta Buugga ayaa la tijaabiyay, lana

waaafajiyay duruufaha gaar ahaaneed ayadoo PI

rajeyneyso inuu xuub-dhacsan doono, siina ahaan

doono mid nuxurkiis uu qiimo u yeesho beesha

LBGTI. Waxaa kaliya oo uu sidaas sameyn karaa

haddii difaacayaasha GBTI ey ka qeyb qaataan

hannaanka billowday.

Link: http://www.protectionline.org/Protection-Manual-

For-LGBTI.html

Xuquuqda Aadanaha ee Haweenka isku

Galmooda, Ragga isku Galmooda, Labagalmoodlaha,

iyo Jinsi-gudubka: Buug Saldhig

u ah la Shaqeynta Hey’adaha Dabaggalka

Heshiisyada ee Qaramada Midoobay iyo

Hababka Gaarka ah ee Golaaha Xuquuqda

Aadanaha ee Qaramada Midoobay (The

Human Rights of Lesbian, Gay, Bisexual and

Transgender People: A primer to working

with the United Nations Treaty Monitoring

Bodies and the Special Procedures of the United

Nations Commission on Human Rights)

Amnesty International (2005)

Ujeeddada laga leeyahay dokumentigaan ayaa ah in

ey tilmaan asaasi ka bixiso sida ururada samaflku ey

u adeegsan karaan Hey’adaha Dabaggalka Heshiiska

ee Qaramada Midoobay (oo loogu yeero “Hey’adaha

Heshiiska”) iyo Hababka Gaarka ah ee Golaha

Xuquuqda Aadanaha (Golaha) marka ey doonayaan

in ey keenaan kiisas ku saabsan kor-u-qaadista iyo

ilaalinta xuquuqda aadanaha ee haweenka isuku

galmooda, ragga isku galmooda, laba-galmoodlaha

ama jinsi-gudubka. Waxuu dokumentigu bixinayaa

talooyin la dabbaqi karo oo la xiriira sida loogu

adeegsan karo hey’adahaan si kor loogu qaado

kiisas gooni-gooni ah iyo sidoo kale xaalado guud ee

xadgudubyo xuquuqda aadanaha ee dadka LGBT.

Link: http://www.amnesty.org/en/library/info/

IOR40/004/2005.

Mabaadii’da Yokyakarta (The Yokyakarta

Principles )(2006)

Sanadkii 2006, ayaa ayadoo laga jawaabayo

xadgudubyo soo noqnoqday oo si wanaagsan loo

diiwaangaliyay, waxaa isugu yimid Yogyakarta,

Indonesia, koox khabiirro ku ah xuquuqda aadanaha

oo magac ku leh dunida si ey sharraxaad uga

bixiyaan mabaadii’ dowli ah oo la xiriira jihada

galmoodka iyo aqoonsiga jinsiga. Natiijaduna waxey

noqotay Mabaadii’da Yogyakarta: dokumenti caalami

ah oo tilmaamaya xuquuqda aadanaha asagoo

sheegaya halbeegyo qaanuuneed oo dowli ah ee

qabanaya ciddii jabisa oo ey tahay in Dowladaha

dhammaantood dhowraan. Waxey ballanqaadayaan

mustaqbal nooc kale ah oo dadka dhammaantood

oo dhashay ayagoo xor ah kana siman karaamada

iyo xuquuqda ey fulin karaan xaqaas qaayaha leh ee

qofku la dhashay.

Link: http://www.yogyakartaprinciples.org/

74

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!